Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhigista interlock-ga hareeraha laamiga halbowlaha Magaalada Gaalkacyo, kaas oo cabirkiisu yahay 18,000m².
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Guddiga Ganacsatada Suuqa, injineerro, dhaqaatiir, masuuliyiin ka tirsan shirkadaha fulinaya mashruuca, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah
Warkung waliba nig haaye Mahamed Aadan Wadani