Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Xiddiga da’da yar ee reer Spain Lamine Yamal ayaa fariin u diray jamaahiirta kooxdiisa Barcelona kadib markii ay ka hadheen tartanka champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay Inter.
Lugtii labaad ee ka dhacday garoonka San Siro ayaa kusoo idlaatay 4-3 oo ay guusha ku raacday Inter,ka dib markii ciyaarta lagu daray waqtigii dheeriga ahaa.
Yamal ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu ciyaarta ka dib iyo sawir uu kula jiro xiddiga Inter Milan Thuram oo ku sugan garoonka San Siro ka dib guuldaradii.
Yamal ayaa ku yiri qoraalkiisa: “Wax walba waan siinay, sanadkan ma suurtagelin in aan ku guulaysano Champions League laakiin mar kale ayaan soo laaban doonaa shaki la’aan.”
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Taageerayaasha Barcelona, ma joojin doono ilaa aan kooxdaan dhigno booska ay u qalanto oo ah heerka ugu sareeya”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waan oofin doonaa balantii aan qaaday, waxaana ku soo celin doonaa Barcelona (koobka Champions League) ma joogsan doono ilaa aan gaarno yoolkeena”.