Tababar ku saabsan Fagaara ka hadalka Oo loo qabtey Ardeyda Xudur

0
12

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Ardayda fasalka Form One B ee Schoolka Shodog ee Magaalada Huddur ayaa waxa qabteen Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay, taasoo ujeedadeedu ahayd dhiirrigelinta Ardayda kale ee Dugsiga si ay u bartaan xirfadda Public Speaking-ka (ka hadalka Bulshada horteeda) kahor inta aysan u gudbin heerarka waxbarasho ee sare sida jaamacadaha.

Xafladdan ayaa lagu soo Bandhigay khudbado dhiirrigelin ah, iyo mowduucyo muhiim ah oo lagu amaanayay hooyooyinka, macallimiinta, iyo guud ahaan doorka wax ku oolka ah ee uu leeyahay dugsiga Shodog. Qaar ka mid ah ardayda Form Four B ayaa si firfircoon uga qayb qaatay bandhiggan iyagoo muujiyay hibadooda, kartidooda, iyo fahamka ay u leeyihiin hadalka fagaareyaasha, taasoo tusaale wanaagsan u noqotay Ardayda kale.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here