Pepe Guardiola Oo U Hambalyeeyay Liverpool.

0
4

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaan ka laba labeyn inuu ugu hambalyeeyo Liverpool ku guuleysiga horyaalka Premier League 2024/25.

laakiin wuxuu sidoo kale cadeeyay in Manchester City aysan ka laaban doonin oo ay si adag ugu dagaalami doonto inay u tartanto xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda Slot ayaa ku guulaystay premier League kadib markii ay 5/1 ku xasuuqday kooxda Tottenham kulan ka dhacay Anfield.

Ka dib guushii Manchester City ay ka gaartay Nottingham Forest semi-finalka FA Cup, Guardiola ayaa fariin xushmad leh oo weli tartan ku jirta u diray kooxda heysata horyaalka cusub.

“”Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca kooxda oo dhan, waxaan rabnaa inaan ugu hambalyeyno Liverpool Football Club guushii ay ka gaareen Premier League”ayuu yidhi.

“Aad ayay ugu qalmaan,shaki kuma jiro waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah, mar kale ayaan u hambalyaynaynaa Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here