Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda KGS, Mudane Said Ahmed Ali, ayaa Ku wareejiyay Gaari ambulance ah Isbitaalka Guud ee Gobolka Baay.
Gaarigan oo ku qalabeysan agab caafimaad oo Casir ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee bulshada, waxaana Wasaaradda ka caawiyay Mashruuca Somali Crisis Recovery Project (SCRP) Qeybtiisa 3aad oo uu maalgeliyay World Bank si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka, loogana jawaabo baahiyaha Degdegga ah ee bulshada .
Warkung Waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi