Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Dekadda Macmalka Cigo Ee Degmada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud waxay kamid tahay meelaha ay weli ka muuqata Saameynta Burburka dagaaladii dalka ka dhacay waxaana ka maqan wax kasta oo Kalluumeysata u fududeyn karey in ku shaqeystaan iyagoo hada si adag Badda kala soo baxaan Kheyraadka ku jira
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa booqashada ku tagay dekaddii macmalka ah ee Cigo ee Gobolka Galgaduud si ay u dhiiri geliyaan Kalluumeysatada islamarkaana loo dhageysto baahidooda maadaama ay yihiin dad diyaar u ah in ay ka faaideystaan Kheyraadka dalkooda ka jira ayaguna shaqa abuur u noqotey
Warkung Waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi