Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Munaasabadda Xarig jarka Maqaayada Cusub ee Zeytuun Restaurant and Cafeteria oo laga hirgeliyay Degmada Xuddur ayaa waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur, Odayaasha dhaqanka, Culimada Deegaanka, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Haween.
Waxaa Munaasabadda furitaanka lagu muujiyay sida Maqaayaddu ay u tahay mid ku cusub Degmada, loogana fadhiyo in ay kaalin weyn ka qaadato adeegyada Bulshada gaar ahaan dhinaca Cuntada, shaqo Abuurka iyo Horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Mohamed Ahmed Oday