Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xoghayaha Guud ee Golaha, Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa ka qayb galay kulan wadatashi ah oo si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Golaha Wakiillada Puntland iyo Ururka Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA).
Wakiillo ka socday ururrada saxaafadda, dhallinyarada, haweenka iyo cuqaasha dhaqanka ayaa kulanka ka hadlay, iyagoo tilmaamay in kulankan uu yahay mid aad loogu baahnaa. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in la xoojiyo xiriirka iyo kulamada u dhexeeya Bulshada Rayidka iyo Golaha Wakiillada.
Warkung waliba nig haaye Mahamed Aadan Wadani