Salah Oo Fariin U Diray Van Dijk

0
14

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo ka tirsan kooxda Liverpool ayaa fariin xamaasad leh u diray saaxiibkiis Virgil van Dijk, isagoo ugu baaqay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Labo maalmood ka hor, Salah ayaa soo gabagabeeyay shakigii ku jiray mustaqbalkiisa isaga oo heshiis cusub kaas oo lagu wado in uu dhamaado sanadka 2027.

Hadalka Salah ayaa yimid ka dib markii Liverpool ay 2-1 kaga badisay West Ham, iyadoo Van Dijk uu dhaliyay goolkii guusha ee Reds daqiiqadii 89aad.

“In aan qandaraaska u kordhinayo Liverpool? Waan ku faraxsanahay inaan gaaro natiijadan ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka,” Salah ayaa sidaas u sheegay BBC.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan rajaynayaa in Van Dijk uu sidaas oo kale sameeyo, waxa uu doonayo ayuu samayn karaa, laakiin waxa aan doonayaa in aan halkan Sii joogo xilli ciyaareedka dambe”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here