Mikel Arteta Oo Loo Sheegay 3 Xiddig Oo Ay Tahay In Ay Nasiso Kulanka Brentford.

0
12

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Paul Merson ayaa ku booriyay Mikel Arteta inuu nasiyo seddex ciyaartoy kulanka Premier League ee Arsenal ay gurigeeda ku wajahayso Brentford sabtida.

Gunners ayaa Emirates ku marti galinaysa Brentford ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Real Madrid lugtii hore ee wareega 8 dhamaadka Champions League.

Arsenal ayaa ku soo laaban doonta ciyaaraha Yurub 16-ka April lugta 2-aad ee champions Leaguue Merson ayaana dareemaya in ay Arsenal muhiimada siiso kulankaas.

Merson ayaa rumaysan in Arsenal ayna wax rajo ah ka lahayn premier League marka la eego in ay 11 dhibcood ka dambayso Hogaamiyayaasha Liverpool.

“Uma malaynayo in uu wali dhamaaday kulankii Arsenal iyo Real Madrid,” Merson ayaa u sheegay Sportskeeda.

“Taasi waxay ka dhigeysaa kulankaan mid dhib badan Gunners. Brentford ma ahan koox sahlan oo lagu wajihi karo Premier League”.

“Uma maleynayo in Mikel Arteta uu aaminsan yahay in kooxdiisu ay u gudubtay Semi-final-ka champions League inkasta oo ay 3/0 ku badiyeen lugtii hore, Markaa waxaan filayaa inuu nasiyo dhawr ciyaartoy kulanka Brentford”.

“Arsenal waxa ay 10 dhibcood ka sareysaa Manchester City oo ku jirta kaalinta lixaad, sidaas darteed waxa ay ku fadhidaa kursiga ugu soo bixida Champions League xilli ciyaareedka soo socda”.

“Ma haystaan ​​wax fursad ah oo ay ku qaadi karaan horyaalka, sidaas darteed waxa ay diiradda saari doonaan Champions League”.

“Mikel waa in uu nasiyo Bukayo, Declan Rice Iyo Martin Odegaard sababta oo ah waxa ay u baahanyihiin xiddigahaas oo diyaar ah kulanka Real”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here