Faah-Faahinta Heshiiska Uu Salah U Saxiixay Liverpool Oo La Ogaaday.

0
13

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool si loo soo afjaro hadalkii badnaa ee ku saabsanaa mustaqbalkiisa.

Heshiiska Salah ayaa dhamaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waana arin albaabka u furtay in uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska, Mohamed Salah ayaa ku dhow inuu u saxiixo Liverpool heshiis cusub oo labo sano ah oo ku kacaya 42 milyan euro.

Wararka ayaa sheegaya in uu Salah diyaar u yahay in uu u saxiixo kooxda heshiis uu kula joogayo ilaa sanadka 2027.

Salah ayaa dhamaystiri doona heshiis 33 sano marka uu dhamaanayo heshiiskiisa kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here