Muxuu Arteta Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Real Madrid.

0
12

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay Real Madrid fiidnimadii Salaasada lugtii hore ee wareega 8da Champions League.

Arteta ayaa hadal uu soo saaray ciyaarta ka dib ku yidhi, “Waxa uu Rice sameeyay Waxa ay ahayd wax aan la rumaysan karin, wax gool ah kamaanu dhalin laad xor ah tan iyo bishii Sebtembar 2021, Declan qudhiisu waligiis ma dhalin gool laad xor ah hadda ka hor, inkasta oo uu wax badan ku tababartay”.

Macalinka ayaa intaa ku daray “Waxaan ku dhalinay labo gool 10-daqiiqo ka dib labo laad xor ah, halkaan waa halka tayada shaqsiyadeed ay soo gasho, waan ogeyn inaan dhibaato u geysan karno Real Madrid, laakiin waa inaan ku cadeyno garoonka dhexdiisa”.

Arteta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Wali waxba lama go’aamin. Waxa aanu joognaa kala badh, waana in aanu si fiican u soo bandhignaa kulanka lugta labaad si aanu ugu soo baxno. Haa, waa talaabo hore loo qaaday, waana in aanu ku raaxaysano waxa aanu gaadhnay”.

Isagoo ka hadlaya taariikhda Real Madrid ee soo laabashada ayuu yidhi: “Waa wax ku jira taariikhda kooxda waxayna muujiyeen in wax ka badan hal mar, marka waa inaan taxadarnaa, gadaal ayaan ka hadli doonaa waxaan u baahanahay inaan sameyno si aan markale ugu guuleysano Madrid”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here