Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Fulham.

0
6

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Alisson ayaa ku soo laaban doona goolka Liverpool kulanka Fulham hadii uu dhaafo borotokoolka miyir-qabka.

Goolhayaha seegay kulankii ay Liverppool ka badisay Everton Bartamihii todobaadka kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Hadii Alisson mar kale seego kulanka Kelleher ayaa sii haysan doona booskiisa goolka.

Curtis Jones ayaa laga yaabaa inuu ka sii ciyaaro daafaca midig ka dib markii uu wacdaro ka dhigay kulankii Everton, inkastoo Conor Bradley uu soo laaban karo.

Bradley ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac muruqa ah, waxaana uu ku dhow yahay inuu ku soo laabto garoomada, isagoo maqnaa tan iyo bishii February.

Shaxda Ay Liverpool kaga hor tagi karto Fulham:

Alisson; Jones, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Jota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here