Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Daafaca dambeedka midig ee kooxda Bournemouth Milos Kerkez ayaa shaaca ka qaaday hamigiisa ah inuu ku guuleysto koobab heerkii ugu sarreeyay xilli si joogto ah loola xidhiidhinayo Liverpool.
21-sano jirkaan ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii labaad ee Premier League ka dib markii uu ka yimid xeebta koonfureed ee AZ Alkmaar 2023, waxaana uu soo jiitay dareenka kooxaha heerka sare ah ee premier League.
Kerkez oo laba gool dhaliyay shan kalena caawiye ka ahaa xilli ciyaareedkan, Kerkez ayaa la aaminsan yahay inuu u dhaqaaqayo Liverpool si uu ula midoobo xiddiga kale ee Hungary Dominik Szoboszlai.
Tababaraha Liverpool Arne Slot, oo hore uga tirsanaan jiray AZ laftiisa, ayaa qirtay in daafaca uu “xilli ciyaareed fiican ku jiro” bishii February taas oo sii xoojinaysa u dhexeeya Kerkez Iyo Reds.
Da’yarka oo lagu heli karo wax ka yar 40 milyan oo euro ayaa lagu qasbay in uu ka hadlo mustaqbalkiisa isaga oo qirtay in uu ku riyoonayo in uu ku biro koox weyn si uu uGu guulaysto koobab.
“Markii aan yaraa waxa aan ku riyoon jiray in aan u ciyaaro koox weyn kuna guulaysto koobab aniga oo u ciyaaraya kooxda ugu fiican”ayuu yidhi.
“Kuwani waa waxyaabaha uu wakiilkaygu ka shaqaynayo”ayuu sii raaciyay.