Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Daafaca kooxda Arsenal ee Jurrien Timber ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u noqon doono kulanka premier League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Fulham todobaadka dambe.
Timber ayaa ka qayb ahaa xiddigihii Netherlands ee tartanka UEFA Nations League wareega 8 dhamaadka tartanka.
xiddiga 23 jirka ah ayaa seegay kulankii lugta 2-aad ee Nations League isaga oo maray baadhitaan kadib dhaawac soo gaadhay.
Inkasta oo uu ka niyad jabay in uu seegay waajibaadka xulka arankiisa, hadana Standard ayaa sheegaya in uu Timber ka soo kabsan doono dhaawaca isla markaas diyaar u noqon doono kulanka Fulham ee soo socda.