Manuel Akanji Oo Loo Soo Bandhigay Real Madrid.

0
9

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Daafaca dhexe ee kooxda Manchester City Manuel Akanji ayaa loo soo bandhigay Real Madrid isaga oo ka qayb ah xaraashka kooxda oo doonaysa in dib u dhis lagu sameeyo.

City ayaa si fiican hoos ugu dhacday wixii laga filayay xilli ciyaareedkan, waxayna ku jirtaa kaalinta shanaad ee kala saraynta Premier League, waxayna 22 dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool, halka laga soo reebay Champions League.

Tababare Pep Guardiola ayaa si cad uga digay tiro ciyaartoydiisa da’da ah oo uu sheegay in la iibin doono xagaagan, taasoo qayb ka ah dib u habeyn ballaaran oo kooxda lagu samayn doono.

Suuqii January ayay Man City la soo saxiixatay Abdukodir Khusanov, Vitor Reis, Nico Gonzalez iyo Omar Marmoush Iyadoo Akanji uu galayo labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, waxay u badan tahay inuu ka mid noqon doono kuwa la iibin doono suuqa xagaaga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in Real Madrid loo soo bandhigay saxiixa daafaca dhexe ee Akanji.

Dhex dhexaadiyeyaasha ka shaqeeya magaca City ayaa si adag uga shaqeynaya in ay kooxo ugu helaan Kevin De Bruyne, Ederson, Jack Grealish, Mateo Kovacic iyo Nathan Ake

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here