Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub islamarkaana dadaal xooggan ugu jirta sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka Caalamka dib loogu soo celin lahaa dalkooda ayaa dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin ,kuwaas oo tacadiyo kala duwan kala soo kulmay dalka Liibiya.
Waxaa dhalinyaradan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Masuuliyiin kale.
Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Mohamed Ahmed Oday