Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool ayaa rajo ka qabta inay heshiis cusub ka saxiixato weeraryahankeeda Mohamed Salah waxayna sidoo kale ku kalsoon tahay inay heshiis cusub ka saxiixan doonto Virgil van Dijk
Sheekada aan kala go’a lahayn ee ku xeeran seddex ka mid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah ayaa soo saartay arrimo badan oo ku saabsan Arne Slot marka loo eego inta badan kooxaha Premier League xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa 12 dhibcood oo nadiif ah ku fadhisa hogaanka horyaalka laakiin wali waxay ku socotaa inay lumiso Salah, Van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold si xor ah xagaagan.
Bixitaanka 3-da xiddig, Bixitaanka Salah ayaa Liverpool ku noqon doona dhibaatada ugu weyn.
Xiddiga 32 jirka ah ayaa gool dhaliyay ama caawiyay 44 gool xilli ciyaareedkan taas oo ah 64% goolasha Liverpool dhalisay xilli ciyaareedkan.
Salah ayaa ololihiisa rikoorka ah ku soo bandhigay hadalo badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa, isagoo si isdaba joog ah u sheegay in tani ay noqon doonto xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Liverpool hadii aan wax laga bedelin qandaraaska haatan socda.
Sida laga soo xigtay David Ornstein, Liverpool ayaa rajo ka qabta in ay wakhti dhaw xalin doonto heshiiska 3-da xiddig.