Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tartanka Gooldhalinta Nations League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo la marayo meel xasaasi ah tartanka.
Xiddiga xulka Sweden ee Viktor Gyokeres ayaa hogaaminaya gooldhalinta tartanka Nations Legaue ilaa haatan.
Gyokeres ayaa dhaliyay 9 gool ilaa haatan 6 kulan oo la ciyaaray tartanka xilli ciyaareedkan.
Waxa ku xiga xiddiga xulka Norway ee Erling Haaland kaas oo dhaliyay 7 gool 6 kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa.
Xiddiga xulka Romanian ee Răzvan Marin ayaa isna dhaliyay 6 halka uu xiddiga Slovenia ee Benjamin Sesko kaas oo dhaliyay 5 gool.
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay min 5 gool ilaa haatan tartanka ilaa haatan.