Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Kobbie Mainoo.

0
5

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay fikradda ah inay iska iibiso xiddiga Khadka dhexe ee Kobbie Mainoo xagaaga si ay lacagtiisa ugu xoojiso kooxda.

Mainoo ayaa loo arkay Mid aan la taaban Karin xagaagii hore laakiin shaki soo food saaray mustaqbalkiisa ayaa keentay in Man United go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa.

Mainoo ayaa ku dhow labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa waxana warar sheegaya in aanu xiddigu ku faraxsanayn kooxda Isla markaas doonayo in uu isaga tago.

Sida laga soo xigtay Florian Plettenberg, Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga reer England suuqa kala iibsiga xagaaga.

Mainoo ayaa ka mid noqon doona xiddigo kale oo ay kooxdu iska iibiso suuqa xagaaga kuwaas oo ay ka mid yihiin Victor Lindelof, Casemiro, Christian Eriksen, Marcus Rashford iyo Antony.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here