Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulan ka dhacay Xafiiska Dowlada Hoose Ee Degmada Baydhabo ay Goobjoog ka haayeen Maamulka Degmada iyo Agaasimaha Waxbarashada ayaa waxaa Looga hadlay Sidii loo Horumarin lahaa Waxbarashada Degmada iyo Sidii loo taageeri lahaa Waxbarashada Carruurta danyarta ah iyo kuwa Barakacayaasha ah oo aysan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Waxbarashada
Waaxda Waxbarashada Dowladda Hoose ee Baydhabo ayaa kaalin weyn ka qaadata Horumarinta Waxbarashada Bulshada iyadoo ay jiraan in 15 Ardey oo ay Dowlada Hoose siisay Waxbarasha Jaamacadeed Oo Bilaash ah sidoo in kabadan 50 Ardey oo labarayo Xirfado kala duwan iyo in la bilaabey diiwaangelinta 400 Ardey oo waxbarasha bilaash ah laga siin doono iskuulka Barwaaqo.
Warkung Waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi