Mohamed Salah Oo Dhigay Rikoodh Liita

0
8

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareedkiisa wacnaa meelna lagu arag iyadoo Liverpool laga qaaday koobka Carabao Cup-ka.

Salah ayaa ku riyaaqay ololihiisii ​​ugu waxtarka badnaa ilaa iyo haatan garoonka Anfield, isagoo dhaliyay 32 gool, wuxuuna sameeyay 22 caawin tartamada oo dhan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa horseeday in Salah loogu yeero inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or oo si rasmi ah loogu aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

32-sano jirkaan ayaa rajeynayay inuu Liverpool u hor seedo koob kale Axadii laakiin Newcastle ayaa ku garaacday kooxdiisa 2/1.

Kaliya 23 taabasho oo kubada ah, Salah ayaa si la yaab leh uGu dhibaatoday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Sida laga soo xigtay Opta, dhab ahaantii waxay ahayd markii ugu horeysay ee xirfadiisa Anfield ee Salah uusan isku dayin shuud mana abuurin fursad markii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here