Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Arsenal.

0
7

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in Robert Sanchez uu ku soo bilaaban doono goolka kulanka Chelsea ay la ciyaarayso Arsenal.

Sanchez ayaa xilli ciyaareedka ku soo bilowday goolhayaha ay door bidayso Chelsea kulamada Premier League, laakiin waxa uu booska u waayay Filip Jorgensen bishii hore.

Sanchez ayaa dib u helay booskiisa isaga oo ciyaaray kulankii ay Chelsea 1/0 Kaga badisay Leicester city waxana la filayaa in uu sii haysto booskiisa.

Maresca ayaa lix isbedel ku samaysay habeenkii Khamiista ee ay 1-0 kaga badiyeen Copenhagen ee tartanka Europa Conference League, taasoo Chelsea u calaamadisay inay u soo baxdo wareega 8da.

Difaaca waa in dib loo cusbooneysiiyaa safarka Arsenal, iyadoo Marc Cucurella, Reece James iyo Wesley Fofana ay diyaar u yihiin inay soo laabtaan.

Cole Palmer ayaa ku soo bilowday kursiga keydka habeenkii Khamiista, si kastaba ha ahaatee waxaa la soo galiyay qeybtii labaad.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ayaa haatan 10 kulan gool la’aan ah, waxaana uu hogaamin doonaa kooxda kulanka Arsenal.

Pedro Neto ayaa la filayaa in uu weerarka hogaamiyo maadama uu Nicolas Jackson wali dhaawac ku maqan yahay.

Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto 

Sanchez; James, Fofana, Colwill, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Sancho, Palmer, Nkunku; Neto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here