Xiddig Arsenal Ka Maqnaan Doona Kulanka Real Madrid Ee Champions League.

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal waxa ka maqnaan doona Raheem Sterling lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League oo ay la ciyaarayaan Real Madrid bisha soo socota.

Gunners ayaa xaqiijisatay u soo bixista wareega 8 dhamaadka champions League lugtii hore kadib markii ay 7/1 kaga badiyeen kooxda PSG.

Kulankii lugta 2-aad ayaa ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah iyada oo Gunners haatan la ciyaari doonta kooxda Real Madrid wareega 8 dhamaadka.

Kulanka Real Madrid waxa Arsenal ka maqnaan doona xiddiga Sterling kaas oo qaatay kaadhkii 2-aad ee digniinta labadii kulan ee uu ciyaaray.

Sterling ayaa caawiye ka ahaa labadii gool ee ay dhalisay kooxda Arsenal waxana uu ahaa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee uu soo bandhigay tan ilaa markii uu yimid Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here