Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mikel Arteta ayaa ka tagay waraysigii ciyaarta ka dib markii ay Arsenal bar-baraha la gashay Manchester United.
Gunners ayaa 15 dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool ee kala saraynta Premier Leaque-ga kadib markii ay Old Trafford kaga soo tageen hal dhibic oo kaliya.
Arsenal ayaa barbaro 1-1 ah la gashay United ka dib qaab ciyaareed kale oo weerar ah. Kooxda Arteta ayaa inta badan gacanta ku heysay qeybta hore ee ciyaarta laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan ka hor inta uusan Bruno Fernandes hogaanka u dhiibin Man United.
Arteta ayaa si joogto ah wax loo waydiiyey haddii Arsenal la’aanta weeraryahan dhexe oo la aqoonsan yahay ay tahay sababta ay ilaa hadda uga dambeeyaan Liverpool.
Iyadoo Gunners ay tahay kooxda ugu dhaw Liverpool dhammaan Liverpool, Tottenham, Manchester City iyo Chelsea ayaa ka goolal badan Arsenal xilli ciyaareedkan (52).
In kasta oo run ahaantii aysan ahayn mawduuc cusub oo dood ah, Arteta ayaa dhinac iska tuuray su’aal ku saabsan xaaladda cajiibka ah markii uu waydiiyay weriyaha Sky Sports Patrick Davison.
“Maya. Taasi maahan, ”waa jawaabtii Arteta markii uu bixiyay isaga oo socda, Davison ayaa markaa raaciyay: “Mikel, hal su’aal oo kale? Waa inaan ku weydiiyaa tartanka horyaalka sababtoo ah hadda ayaad ka dambaysaan Liverpool?.
Arteta ayaa ku jawaabay “maya” isagoo sii socda. Davison ayaa waydiiyay: “Ma wax badan baa?”, Taasoo maamulaha Arsenal uu si fudud ugu jawaabay “Mahadsanid”.