Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mikel Arteta ayaa Laga yaabaa in uu sii ciyaarsiiyo shaxdii uu Kaga Hor tagay PSV Champions League marka ay maanta la ciyaarayso kooxda Man United.
Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda Champions Leaque-ga todobo gool ka dhalisa meel ka baxsan garoonkeeda markii ay 7-1 ku garaacday PSV.
Arsenal ayaan wax dhaawac cusub ah ka walaacsanayn waxana la filayaa in uu tababuruhu shax adag ku Soo galo kulanka.
Riccardo Calafiori ayaa la filayaa in uu ku soo bilowdo kulanka isaga oo badali doona xiddiga Myles Lewis-Skelly.
Ben White ayaan wali isagu wax kulan ah ku bilaaban tan ilaa markii uu ka soo laabtay dhaawaca waxana uu yahay dookh la tartami kara Jurrien Timber.
Arsenal ayaa wali ku dhibaatoonaysa weerarka waxana la filayaa in uu xiddiga Mikel Merino hogaamiyo weerarka kooxda kulanka.
Halkan kaga bogo shaxda ay Arsenal ku ciyaari karto kulanka:
Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Merino, Trossard