Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool ayaa rajeyneysa inay soo dhaweyso Cody Gakpo kulanka Premier League ay la ciyaari doonto Southampton kulan ka tirsan premier league.
Gakpo ayaa seegay kulankii ay Liverpool 1-0 kaga badisay PSG habeenimadii Arbacada, isagoo Dhaawacmay tababarkii jimicihii.
Arne Slot wuxuu xaqiijiyay in weeraryahanka uusan weli tababarka qaadanin, inkastoo uusan gabi ahaanba meesha ka saarin Gakpo.
Diogo Jota ayaa safka hore ee Parc des Princes kula biiray Mohamed Salah iyo Luis Diaz waxayna u muuqataa in uu sii hogaamin doono weerarka.
Harvey Elliott oo dhaliyay goolka guusha ayaa la filayaa In Uu kaydka ku noqdo inkasta oo uu ahaa geesiga ciyaarta.
Shaxda ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Southampton.
Alisson, Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Diaz, Jota