Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto PSV

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mikel Merino ayaa ku soo bilaaban kara lambarka 9-aad ee Arsenal kulankii saddexaad oo xiriir ah marka ay u safraan PSV Eindhoven.

Arsenal waxaa si xun u soo gaaray dhaawacyo dhanka weerarka ah, waxaana hadda ka maqan afar weeraryahan.

Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli ayaa ku soo laaban doona garoomada bisha soo socota, halka Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ay maqan yihiin inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Weerar La’aanta ayaa ku qasabtay Mikel Arteta inuu u isticmaalo Merino weeraryahan wuxuuna ku soo bilaaban karaa markale Eindhoven.

Merino ayay u badan tahay in ay garab ciyaaraan xiddigaha Ethan Nwaneri iyo Leandro Trossard, kuwaas oo sidoo kale kusoo bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Shaxda ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto PSV:

Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Merino, Trossard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here