Yurub oo kulan deg deg ah ka yeelaneysa Ukraine

0
10

Baydhowy (Raathyow Arlaathy) Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub.

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump.

Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku tacalluqay soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan.

Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan oo loo soo dhameyn karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka.

Turkiga ayaa la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu ku heshiisiinayo Ukraine iyo Ruushka. Horay ayay Ankara ugu yaboohday fidinta gogol nabadeed oo ay ku heshiisiineyso dalalkaasi deriska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here