Man United Oo Loo Sheegay In Ay Haystaan Saliba-ha Cusub.

0
12

Baydhowy (Raathyow Arlaathy) Halyeeyga Kooxda Man United ee Mikael Silvestre ayaa xiddig u ciyaara Man United u sheegay in uu noqon karo William Saliba-ha Cusub.

Man United ayaa ku jirta xilli ciyaareed adag oo kale iyaga oo ku jira kaalinta 14-aad ee premier League iyaga oo 33 dhibcood ka dambeeya Liverpool.

Warka fiican ayaa ahaa  mid aan laga helin United laakiin xiddigii hore ee Man United Silvester ayaa rumaysan in ay kooxdiisii hore haysato xiddig noqon kara mid ka mid ah xiddiga ugu fiican booskiisa.

Manchester United ayaa Leny Yoro ka dhigtay ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee da’diisu ahayd 18 jir ama ka yar, waana mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu qaalisan taariikhda markii ay ku kharash gareeyeen in ka badan 50 milyan oo euro.

Yoro ayaa kaliya hal xilli ciyaareed oo buuxa la qaatay kooxda Lille laakiin waxa uu xiiso ka helay kooxo Liverpool Iyo Real Madrid.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa dhaawac ku seegay 4-tii bilood ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka kadib markii uu ku dhaawacmay tababarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

“Markii uu joogay Lille waxa uu ahaa mid awood dan, waxa uu mar walba samaynayay go’aanka saxda ah”ayuu Silvestre yidhi.

“Nasiib xumo wuu dhaawacmay bilowgii xirfadiisa Man United laakiin waxa uu noqon doonaa xiddig awood leh sanadaha soo socda”.

“Waxa aan qabaa in uu noqon doono Saliba-ha cusub ee Premier League”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here