Miyuu Haaland Diyaar U Yahay Kulanka Tottenham.

0
5

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Pep Guardiola ayaa soo gudbiyay warbixin ku saabsan taam ahaanshaha Erling Haaland ka dib guuldaradii 2-0 ee Manchester City ka soo gaartay gurigeeda Liverpool axadii Premier League.

Haaland, oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Man City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 27 gool 35 kulan, ayaa dhaawac jilibka ah ka soo gaaray heerarkii ugu dambeeyay ee City ay 4-0 kaga badisay Newcastle United isbuucii hore.

Xiddiga reer Norway ayaa intaa kadib awoodi waayay in uu ciyaaro kulankii Citizens ay guuldarada 3/1 ah ka soo gaartay Real Madrid lugtii labaad ee isreeb reebka champions League Arbacadii.

Xiddiga ayaa ahaa badal aan la isticmaalin kulankii Real Madrid laakiin waxa uu Gabi ahaanba seegay kulankii ay ka badiyeen Man City.

Man City, oo weli ku sii jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League, haatanna 20 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guusha marka ay wajaheyso Tottenham Hotspur habeenka Arbacada.

Guardiola ayaa ka warbixiyey xaalada Haaland wuxuuna ka hadlay in gooldhaliyaha ugu sareeya uu ku soo laaban karo kulanka bartamaha isbuucaan.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa yiri: “Ma garanayo [ goorta uu soo laaban doono] [Waxay ahayd] daqiiqad kulankii Newcastle uu sameeyay fal jilibka ruxay”.

“Sida muuqata maahan wax khatar ah sababtoo ah dhammaan imtixaanada ayaa sheegaya in ay fiican tahay, laakiin ma dareemayo fiicnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here