Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Mohamed Salah ayaa noqday ciyaartoygii afraad ee taariikhda Premier Leaque-ga wax ka badan 100 gool ku dhaliya garoon kaliya premier league isaga oo bar-bareeyay Rikoodhkii Wayne Rooney kadib markii uu dhaliyay 101 gool oo Anfield.
“Wax kasta oo dhaca, weligay ma ilaawi doono dareenka in aan gool ka dhaliyo Anfield”Salah ayaa yidhi horaantii xilli ciyaareedkan.
Salah ayaa ku soo bilawday safarka goolashiisii qarnigi labaad ee Premier league isaga oo ku sugan guriga ruuxiga ah ee Liverpool isaga oo rigoore qurux badan ka dhaliyay kooxda Wolverhampton Wanderers todobaadkan.
Rooney ayaa u baahday 201 kulan Old Trafford (oo ay ku jiraan 3 midabada Everton) si uu u dhaliyo 101 gool oo Premier League ah oo uu garoonkiisa ku joogo Manchester United.
Sergio Aguero ayaa 106 gool ka dhaliyay dhinaca kale ee magaalada Etihad Stadium, halka Thierry Henry uu ku riyaaqay guulo aan la qiyaasi karin oo uu ka dhaliyay Arsenal Highbury.