Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Goolkii james Maddison daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta ayaa Tottenham ka caawiyay in ay 1-0 kaga badiyaan Manchester United kulan dhexmaray labada kooxood ee dhibaatoonaya.
Labada kooxood ayaa kulanka bilowday iyaga oo ku dhaw boosaska looga hadho Horyaalka marka loo eego hogaanka Horyaalka.
Maddison ayaa fursad wakhti hore ah helay hogaankana u dhiibay kooxdiisa.
Maddison waxa uu ku dabaal degay xamaasad isaga oo aamusiyay taageerayasha una jeeda dhaleecayntii uu wajahay wakhtigii ugu dambeeyay.
Taageerayaasha Spurs ayaa ka mudaaharaadayay guddoomiyaha Daniel Levy iyo mulkiilayaasha aqlabiyadda ee ENIC ciyaarta ka hor.