Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda FC Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo xun oo ku saabsan diiwaan gelinta xiddiga reer Spain ee Dani Olmo, kaasoo aan u ciyaari karin Barcelona Bisha January.
Kooxda Barcelona ayaa Olmo si ku meel gaar ah u diwaan galisay ilaa dhamaadka bishan December.
Sida lagu sheegay xog uu helay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain, maxkamaddu waxay diiday codsigii Barcelona ee ahaa in Olmo la diiwaan geliyo ilaa June 30, 2025.
Barcelona waxay heli doontaa laba xal oo ay ku diwaangeliso Olmo: marka hore waa inay bixiso dammaanad dhaqaale oo ka timaada guddiga maamulka kooxda, ama inay iibiso kuraasta VIP-da ee garoonka cusub ee Camp Nou.
Waxaa xusid mudan in Barcelona ay haysato ilaa saqda dhexe ee habeenimo si ay u diwaan geliyaan ciyaaryahanka, hadii ay ku fashilmaan in ay diwaan galiyaan waxa uu si xor ah ugu biiri karaa kooxda uu doonayo suuqa January.