Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa go’aamiyay shaxda uu ku ciyaari doono kulanka ay maanta oo Khamiis ah la ciyaari doonaan kooxda Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.
Liverpool ayaa marti galin doonta dhigeeda Leicester City kulanka ka dhici doona garoonka Anfield Stadium, waana kulan ka tirsan wareega 18-aad ee premier League.
Tababare Sloat ma rabo inuu wax ka bedel ku sameeyo shaxdii Liverpool ee kulankii ugu dambeeyay ee Tottenham.
Shaxda Ay Liverpool kaga hor tagi karto Leicester City:
Alisson; Trent, Gomez, Van Dijk, Robertson; Gravenberch; MacAllister, Szoboszlai; Salah, Gakpo, Diaz