Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Munaasabada ay Ku qalin jabinayeen 31- Gabdhood oo soo dhameeystey Hal Sano oo Diploma Umulisinimada waxayna ku barteen Machadka Seyniska iyo Tiknoolijiyada Kaamil ee Magaalada Xudur,Waxaana ka soo qeyb galay Maamulka Degmada, Madax ka tirsan Wasaarada Caafimadka KG,Macalimiin, Waalidiin, Dhaqaatiir iyo qeybaha kale Ee Bulshada Magaalada.
Inta ay Socotey Xaflada Ardeydan Shahaadada lagu Gudoonsiinayay ayaa waxaa halkaasi laga soo jeediyey Khudbado u badnaa kuwa lagu dhiiri gelinayay Ardeyda islamarkaana lagu tilmaamay Ahmiyada ay Xudur u leedahay in ay hesho Umulisooyiin baahi badan loo qaba
Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady