Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Qoysaskan Barakacayaasha ah ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku noolaa Degmada Xudur waxay ka yimaadeen Degmada Ceelberde iyo Deegaanada kale ee hoos yimaada, kadib markii ay soo wajahdey duruufo nololeed oo adag maadama uu yaraaadey Roobkii deyrta, dadkaana ay ahaayeen Beeraley iyo Xoolo dhaqato
Qaar kamid ah Qoysaskan isugu jira Rag, Haween, Caruur iyo Dhalinyaro ayaa waxay ka hadleen xaaladaha ku qasabtey in ay deegaanadooda ka soo Barakacaan iyagoo sheegey in ilaa iyo hada aysan helin gargaarkii ay u baahnaayeen, sidaa darteed dalbadeen in loo soo gurmado, baahidooda ugu badan ay qabaana ay tahay Biyo, Hooy iyo Cuno
Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady