Xulalka U Soo Gudbay Wareega 8 Dhamaadka Tartanka UEFA Nations League.

0
37

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Waxaa soo idlaaday heerkii ugu muhiimsanaa ee heerka guruubyada ee tartanka UEFA Nations League waxana la ogaaday 8 xul ee wareegay sideed dhamaadka, kaasoo bilaaban doona bisha March ee soo socota.

Nidaamka European Nations League waxaa ka mid ah u soo bixida kaalmaha koowaad iyo labaad ee afarta kooxood ee heerka koowaad, halka kaalimaha seddexaad iyo afaraad ay u laabteen heerarka hoose ee B iyo C.

Group-yada ayaan ka dhicin wax la yaab leh oo ku saabsan kooxihii soo baxay ama ku guul daraystay in ay soo baxaan, marka laga reebo Belgium oo aan u soo bixin oo ku jiray Group-ka ugu adag ee France iyo Italy.

Xulka qaranka Spain oo difaacanaya tartanka ayaa u gudbay wareega xiga halka ay sidoo kale u soo bexeen xulalka France iyo Portugal oo ku guulaystay tartanka.

Isku aadka wareega 8 dhamaadka ayaa la qaban doonaa jimcaha soo socda si loo ogaado sida ay kooxuhu isugu aadi doonaan.

halkan hoose kaga bogo xulalka u soo baxay wareega xiga.

Portugal

Croatia

France

Italy

Spain

Denmark

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here