Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey jagooyin Kaaliyenimo oo ka banaanaaday hay’adaha Garsoorka ee dalka, gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadaha.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale maalinkii shalay daahfuray imtixaan iyaga na laga qaadayey dad u tartamaayey jagooyin garsoorenimo oo ka banaaaday Garsoorka, waxaana ay tani qeyb ka tahay dedaalada dib-u-habaynta ee Garsoorka dalka si kor looggu qaado hufnaanta shaqada iyo aaminaada, sidoo kale na loo ballaadhiyo fidinka adeega cadaaladdeed ee hay’adaha garsoorku u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera