Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacaya garoonka Goodison Park.
Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guul gaadhaan si ay cadaadiska ugu sii hayaan kooxaha ka horeeya.
Dhinaca kale Everton oo xaalad adag ku jirta ayaa doonaysa in ay guul ka gaadhaan kulanka.
Kulanka: Everton Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 6:30
Garoonka: Goodison Park
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Everton waxa ay barbareyn kartaa Guulihii ugu dheeraa ee ay horyaalka ka gaadho kooxda Arsenal kadib 4 kulan oo ay horay uga badiyeen..
Guusha kaliya ee Arsenal ay gaartay todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay Goodison Park waxa ay aheyd 5-2 bishii October 2017.
Gunners ayaa ka mid ah lix kooxood oo aan ilaa hadda laga badinin Premier League ololahan (3 guul iyo 1 barbaro).
Arsenal ayaa shabaqeeda ilaashatay 11 ka mid ah 20kii kulan ee ay martida u ahaayeen horyaalka tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore.