Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)In ka badan £200,000 Gini ayuu Frenkie de Jong ka sarreeyaa ciyaartoyga kusoo xiga, marka la eego mushaharka toddobaadlaha ah ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.
Saxeexa cusub ee Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa waxa uu Los Blancos mushahar uga qaadanayaa kala-badh mushaharka ay Barcelona siiso Frenkie de Jong oo toddobaadkii u xaadira £619,283 Gini, halka Jude Bellingham usbuucii u xaadirayo £327,000 Gini.
Bellingham waxa uu kaalinta siddeedaad kaga jiraa liiska ciyaartoyda mushaharka badan horyaalka LaLiga, waxaana ka sarreeya Robert Lewandowski, Jan Oblak iyo Vinicius Junior oo isku mushahar ah iyo Luka Modric, David Alaba, Toni Kroos iyo Frenkie de Jong.
Halkan kaga liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga:
19= Dani Carvajal | Real Madrid | £172,078-toddobaadkii
19= Ferland Mendy | Real Madrid | £172,078-toddobaadkii
17= Saul Niguez | Atletico Madrid | £198,171-toddobaadkii
17= Ousmane Dembele | Barcelona | £198,171-toddobaadkii
14= Antoine Griezmann | Atletico Madrid | £206,428-toddobaadkii
14= Raphinha | Barcelona | £206,428-toddobaadkii
14= Aurélien Tchouaméni | Real Madrid | £206,428-toddobaadkii
13. Jules Kounde | Barcelona | 223,768-toddobaadkii
12. Ansu Fati | Barcelona | £230,373-toddobaadkii
11. Antonio Rudiger | Real Madrid | £240,777-toddobaadkii
10. Thibaut Courtois | Real Madrid | £247,713-toddobaadkii
9. Koke | Atletico Madrid | £264,288-toddobaadkii
8. Jude Bellingham | Real Madrid | £327,000-toddobaadkii
5= Robert Lewandowski | Barcelona | £343,991-toddobaadkii
5= Jan Oblak | Atletico Madrid | £343,991-toddobaadkii
5= Vinicius Jr | Real Madrid | £343,991-toddobaadkii
4. Luka Modric | Real Madrid | £361,311-toddobaadkii
3. David Alaba | Real Madrid | £371,570- toddobaadkii
2. Toni Kroos | Real Madrid | £402,617-toddobaadkii
1. Frenkie De Jong | Barcelona | £619,283-toddobaadki