Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man United markii ay 90 milyan ka soo bixiyeen xiddiga Antony waxa ay u malaynayeen in ay heleen ciyaartoy heer sare ah oo waliba awood u leh in uu soo celiyo Man United.
Kulankii ay Man United guuldarada 3/2 kala kulantay Arsenal, Antony ayaa la badalay daqiiqadii 71-aad waxana uu si weyn ugu dhibaatooday in uu si fiican u ciyaaro.
Xiddiga reer Brazil ayaa ilaa haatan u muuqda mid ku fashilmay Man United isaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan kulamada kooxda Man United.
Antony ayaa dhaliyay muran ka dhexeeya taageerayaasha iyo xiddigihii hore ee kooxda kuwaas oo isku haysta in uu xiddigu yahay mid fiican iyo in ay kooxdu ku khasaartay.
Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa dhaleeceeyay Antony ka dib qaab ciyaareedkiisii liitay ee kulankii Arsenal waxana uu yidhi”“Waxaan jeclaan lahaa inay tayo wanaagsan helaan dhinaca weerarka”.
“Sancho waxa uu ku maqan yahay dhaawac waxana aad u malaynaysay in ay United helayso xiddig fiican laakiin ma haysato”.
“Waxa aan doonayaa in aan wax fiican ka arko xiddiga 90-ka milyan ugu yimid kooxda, waxa aan u malaynayaa in ay ka fiicanyihiin isaga xiddigaha Martinelli iyo Saka kuwaas oo sidoo kale ah xiddigo da’yar ah”.
Rio Ferdinand ayaa sii kale ka hadlay qaab ciyaareedka Liita ee xiddiga Antony waxana uu yidhi” Maba awoodo in uu hal ciyaartoy dhaafo, mararka qaar waxa aan is waydiiyaa waligiis ma sidan ayuu ahaa”.
“Waxaan arkay muuqaallo isaga laga duubay markii uu Ajax joogay wuxuuna ahaa mid dhaafaya daafacyada”.