Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Raphael Dias Belloli, oo caan ku ah Raphinha, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican qaaradda yurub, xirfad cajiib ah ayuu leeayahay kubadana si sahal ah ayuu ugu baashaalaa , waxaana warbixintaan ku soo qaadaneynaa sheekooyin aad ka ogeyn Raphinha .
Waxa uu u ciyaari karay Italy Raphinha wuxuu ku dhashay kuna koray Brazil, laakiin sidoo kale waxa uu leeyahay asal Talyaani ah waayo Aabihii qayb ayuu Talyaani ka yahay, laakiin hooyadii waa Brazil dhalad ah waxa uuna doortay qaranka Samba
*Wuxuu ka soo jeedaa qoys kubbadda cagta ah Inkasta oo aabbihii Raphinha uu yahay muusik yahan, waxa uu ciyaaray kubbadda cagta in muddo ah carruurnimadiisii, Awowgiis wuxuu ahaa ciyaaryahan kubbadda cagta ah oo ciyaaray 1960-meeyadii, Waxaana uu leeyahay adeer u soo ciyaaray Inter Milan.
Aabihii iyo adeerkii ayaa sidoo kale xiriir aad u wanaagsan la leh ku guuleystihii hore ee Ballon d’Or, Ronaldinho, taasoo keentay in Raphinha uu la kulmo halyeeyga kubada cagta isagoo aad u da’yar oo 7 sano jir ah .
*Wuxuu Marar badan dawarsaday cunto. Raphinha wuxuu ku koray Porto Alegre, haddii magaca magaaladaas kugu cusub kaliya ogoow waa magaalo faqri saaxib la ah hadana ay ka soo baxeen xiddigo cajiib ahaa sida Ronaldinho Laacibkaan Barcelona ayaa mar ka hadlay nolosha adag ee uu soo maray ,” hal qol ayaan hooyadeey walaalkeey iyo xawaynaada rabaayadad ah wada seexan jirnay , waxaan xasuustaa mar aan dawarsi u baxay si wax aan cunno uga soo helo wadooyinka” ayuu yiri Raphinha balse haatan noloshaaas kuma jiro
*Waligiis iskuul ma dhigin Raphinha waligiis ma soo marin nidaamka dugsiga caadiga ah, ma ahayn sababta in waalidkii ay awoodi kari waaayeen ee waxay haysteen fikrad ka duwan nooca waxbarashada ee uu baahan yahay wiilkooda markii ay eegeen . Waalidkiis waxay dareemeen kartida uu u leeyahay kubadda cagta iyo jaceylka uu u qabo ,isla markiiba waxa ay ka diiwaan geliyeen akadeemiyadda kubbadda cagta, Monte Castello, Waxayna noqon doontaa mid ka mid ah go’aamadii ugu fiicnaa ee waalidiinta Raphinha weligood sameeyeen. kuraynimadiisa Raphinha waxa uu la ciyaaray xittaa dad ka da`weyn balse lugtiisa ayuu ki ceebn jiray oo qiyaano kubadeed ayuu meel ku saaray
*Dhowr jeer ayaa loo diiday in uu ciyaaro caatinimo darteed Waxa uu isku dayay in uu la soo saxiixdo kooxo ay ka mid ihiin Gremio, oo ah koox kale oo weyn oo ku taal Porto Alegre, laakiin waa ay diideen sababo la xariira caatinamadiisa , waxa uu gaaray go`aan ah in uu is dhiibo iskana dhaafo kubadda cagta balse hooyadii ayaa dhiira gilisay oo ku tiri riyadaada haka harin oo haddii aad sidaas sameeyso waxa aad noqoneysaa timo jare oo ah shaqada ugu fududed ee magalaadiisa Hadaba waa uu qaatay go`aankii hooyadii , isaga oo baahan ayuu kubadda aadi jiray waxa uu tagay Santa Catarina halkaas oo uu ugu biiray akadeemiyada Imbituba Futebol Clube waxaana ugu dambeyn loo dalacsiiyay da`yarta 18-ka sano jirka .
*Caga Jugleyn dil ayuu la kulmi jiray : markii uu ciyaaraay tartanka Varzea Touraments ee Bazril gaar ahaan kulamada Away-ga ah waxa uu la kulmi jiray fariimo dil ah ,waxaa sidaas sameyanayay taageeryaasha kooxda kale ee ka soo horjeeda oo ku oranayay waan ku dileynaa haddii aad naga badiso.
*Waxaa Soo Saaray Xiddigii hore Chelsea iyo Barcelona ee Deco. 2016-kii tartan ka dhacay Brazil ee ciyaartooda da`dooda ka hooseyso 20-ka sano , waxaa si gaar ah uu indhihiisa u soo qabtay oo indha indheeyay Deco kaasi oo u arkay Raphinho mid wacdaro ka dhigi kara yurub , waxaa lala saxiiday hishiis uu ku hoos imaanayay akademiyadiisa d20 sports ka dibna waxa uu u soo wareejiay kooxda Vitoria Guimaraes in Portugal. Raphina ma uusan niyad jibin Deco durba waa uu is muujiay , sanad ka dib markii lala soo hishiiyay waxa uu noqday xiddiga sanadka ee kooxdaas Vitoria Xilli Ciyaareedkii xigay aad ayuu u wacnaa 18 gool ayuu dhaliyay ka dib 43 kulan ka dib waxaa durba afuubatay Sporting CP oo ka mid ah kooxaha ugu weyn Portugal ahna kooxdii Cr7 Waa samafale weyn: Raphinha ma uusan iloobin meesha uu ka yimid, Tan iyo markii uu Yurub yimid oo uu bilaabay inuu helo lacago badan, waxaa lagu yaqaanaa in uu had iyo jeer dib ugu celiyo dadkiisa Restinga, Brazil. Waxa Uu Ku Sigtay In Dhaawac Uga Fariisto kubadda cagta :
waxa uu ku dhawaaday in garoomada macsalaameeyo ka dib dhaawac culus oo ku gaaray kulan Man City uu uga hor tagay markii uu PL uu joogay waqtigaas waxaa jibiyay Fernandinho
*Qiyaas qofka uu yahay saaxiibkiisa ugu fiican: ma aha xiddig Brazil ah , waa Bruno Fernandes xittaa markii ay wada joogeen Sporting saaxibo ayay ahaayeen , waxa uuna Raphina mar waliba sheegaa in Bruno uu siin jiray talooyin xittaa markii uu Leeds uu yimid .