Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wadahadlay iskaashiga labada dal

0
415

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Labada Dal.

Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isago tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here