Dhageyso:- Tawabar lagu baraayey Wariyaasha Xuriyada hadalka oo Magaalada Baydhabo lagu qabtay

0
349

Ku dhawaad 20 Wariye oo ka kala socdaan warbaahinta magalada Baydhabo ayaa maanta waxaa loo qabtay siminaar kusaabsan xuriyada hadalka, waxaana uu socon donaa mudo hal maalin ah.
Siminaarkaan ayaa waxaa qabanayaa Ururka Isutaga suxufiinta soomaaliyeed iyo wasaarada warfaafinta kg.
Furitaanka siminaarkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka warfaafinta kg Xasan Cabdi Maxamed, gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee ururka (FESOJ) Muxidiin Xasan Maxamed Xusni, agaasimiyaasha tvga iyo radiyaha kg Madaxa towbarada ururka (FESOJ) Ustaad Faarax iyo Sheekh Aweys oo qeyb ka ah maclimiinta casharada bixin doona.
Wasiirka warfaafinta kg Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu kahadlay insiminaarkaani muhiim uu uyahay wariyaasha waana ay fahmaan waxaa uu yahay xuriyada hadalka, waxaana uu sheegay in siminaarkaan wax weyn ka bedeli doono aqoonta wariyaasha sidoo kale wasiirka ayaa madaxda ururka ka codsaday in labadiyo siminaarada nocaani oo kale si ay ugu fa’ideystaan wariyaasha koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa magalada baydhabo.
Casharada kadib ayaa wariyaasha waxay sameyn donaan guroobyo ay kaga hadli donaan wax yaabaha ay ka fahmeen casharada ay qateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here