Dadaalo lagu badbaadinayo wiil sagaal sano jir ah oo ku dhacay Ceel oo ka socda Afgaanistan.

0
243

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha samatabixinta ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay ku gaari lahaayeen wiil 9 sano jir ah oo muddo saddex maalmood ah ku xayiran ceel ku yaal tuulo fog oo ku taal koonfurta Afgaanistaan.

Muuqaal la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ayaa muujiyay wiilka, Xaydar, oo gudaha hoose ugu jira ceelka, hasayeeshee weli waxa uu dhaqaajinayaa gacmaha iyo jirkiisa kore.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex maqli karaa sheeko dhexmaraysa wiilka yar ee ceelka guntiisa ku jira iyo aabihii oo ceelka dul taagan.

Wasiirka warfaafinta ee Taalibaan, Sharafat Weyar, ayaa sheegay in wiilka markii uu gudaha ugu sii dhacay ceelka ay xaaladdiisa ka sii dartay, hasayeeshee kooxaha samatabixinta ay isku dayayaan inay halkaas nabad uga soo saaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here