Daacuun ka dilaacay Zambia

0
82

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxaa dalka Zambia ka jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in cudurka daacuunka oo ka dilaacay dalkaas kaas oo ku fiday sagaal ka mid ah tobanka gobol ee dalkaasi uu saameyn balaaran geysto.

In ka badan saddex boqol oo qof ayaa dhintay bilihii la soo dhaafay, iyadoo siddeed kun oo qofna ay qabaan cudurka.

Waxa jira in ka badan kun bukaan oo lagu dabiibayo xarun daawayn oo laga dhisay garoon kubbadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla caasimadda Lusaka.

Hay’adda Samafalka ee Water Aid ayaa sheegtay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo kordhiyo maalgelinta wax lagaga qabanayo sababaha asaasiga ah – helitaanka biyo nadiif ah iyo nadaafad habboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here