Alonso Oo Ka Hadlay Carradii Vinicius

0
21

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa sharaxaad ka bixiyay sida Vinicius Junior uga falceliyay markii laga saaray ciyaartii ay kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay Barcelona Axadii.

Real Madrid ayaa guusha ku xaqiijisay goolal ay dhaliyeen Kylian Mbappé iyo Jude Bellingham, halka Barca ay kaga jawaabtay gool uu dhaliyay Fermín López.

Alonso ayaa go’aansaday inuu Vinicius beddelo daqiiqaddii 72-aad, iyadoo ay ciyaartu ku jirtay xaalad 2-1 ah. Laakiin weeraryahanka reer Brazil si cad ayuu uga cadhooday beddelkaas, isagoo iska indhatiray salaantii tababaraha, kaddibna kursiga keydka ku muujiyay caro ka dhan ah go’aanka, ka hor intaanu u dhaqaaqin gudaha qolka la biska.

Markii la weydiiyay arrintaasi, Alonso ayaa ku jawaabay:

“Ma doonayo inaan lumino diiradda waxa muhiimka ah. Waa waxyaabo annaga noo dhexeeyo oo aan ka hadli doono.”

Tababaraha ayaa sii raaciyay:

“Vini wuxuu ciyaarta ku lahaa saameyn weyn, wax badan ayuu na soo geliyay. Kooxdu waxay leedahay shaqsiyado kala duwan. Hadda waa inaan ku faraxno guusha.”

Vinicius ayaa sidoo kale ku lug lahaa xiisaddii iyo murankii dhacay dhammaadkii ciyaarta ee lala xiriirinayay hadallo hore oo uu Lamine Yamal sameeyay.

Guushan ayaa Real Madrid ku sii xaqiijisay hoggaanka horyaalka, iyagoo shan dhibcood ka sare maray Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here