Haweeneydii ugu horreysay ee taliye ka noqota hawada sare

0
33

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waa cirbixiyeenaddii ksoo dhex dustay saqafka muraayadda. Hore ayayna usii socotay Eileen Collins waxa ay dhigtay taariikhd markii ay noqotay haweenaydii ugu horaysay ee duulisa oo amarna ku bixisa hawada sare – laakiin inkasta oo ay guulo la taaban karo gaartay, qof kastaa ma garan doono magaceeda.

Hadda muuqaal dheer oo la yiraahdo Spacewoman (Haweeneyda hawada), oo ka warramaya taxanaha shaqadeeda, ayaa u muuqda mid taas wax ka beddelaya.

Waxaan kula kulannay Collins Matxafka Sayniska ee London. Si tartiib ah ayay u hadlaysaa, oo diirran degganaanna leh – laakiin waxaad si degdeg ah u ogaaneysaa diiradda iyo go’aankeeda. Dhab ahaan waa qof gudaha ka adag.

“Waxaan akhrinayay maqaal joornaal ah oo ku saabsan cirbiciyeennada Gemini. Malaha waxaan jiray sagaal sano, waxaana u maleeyay in taasi tahay waxa ugu fiican. Taasi waa waxa aan rabo inaan sameeyo, “ayay tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here