Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wargeyska Tuttosport ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska kama dambaysta ah ee abaalmarinta Golden Boy 2025, taas oo sanad kasta la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiican ee da’diisu ka hooseyso 21 sano jir ee ka ciyaara qaaradda Yurub — abaalmarin la bilaabay sanadkii 2003.
Wargeysyo caalami ah oo kala duwan ayaa door ka qaata codbixinta abaalmarintan, taasoo loo arko mid ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan ee kubadda cagta dhalinyarada Yurub.
Liiska kama dambaysta ah ee sannadkan waxaa ku jira 25 ciyaaryahanno matalaya kooxaha ugu waaweyn Yurub, waxaana ka mid ah:
Pau Cubarsi (Barcelona)
Desiree Doi (Paris Saint-Germain)
Dean Hausen (Real Madrid)
Keenan Yildiz (Juventus)
Myles Lewis-Skelly (Arsenal)
Warren Zaïre-Emery (Paris Saint-Germain)
Arda Güler (Real Madrid)
Franco Mastantuono (Real Madrid)
Ethan Nwaneri (Arsenal)
Jorell Hato (Chelsea)
Giovanni Quinda (Sporting Lisbon)
Estevao (Chelsea)
Leni yoro (Manchester United)
Seni Mayolu (Paris Saint-Germain)
Nico O’Reilly (Manchester City)
Elias Ben Sghir (Bayer Leverkusen)
Victor Froholdt (Porto)
Lucas Bergvall (Tottenham Hotspur)
Archie Gray (Tottenham Hotspur)
Mamadou Sarr (Strasbourg)
Jobe Bellingham (Borussia Dortmund)
Francesco Pio Esposito (Inter Milan)
Rodrigo Mora (Porto)
Giovanni Leoni (Liverpool)
Alexander Stankovic (Club Brugge)
Abaalmarintan ayaa lagu qiimeeyaa waxqabadka iyo horumarka ciyaartoyda da’yarta xilli ciyaareedkii u dambeeyay, waxaana taageerayaashu si weyn u sugayaan magaca guuleystaha rasmiga ah.
Inkasta oo uu si buuxda ugu qalmi lahaa Lamine Yamal oo 18 jir ah ayaa ka maqan liiska, sababtoo ah xeerarka abaalmarintan ayaa mamnuucaya in ciyaaryahan hore ugu guuleystay Golden Boy markale loo magacaabo.








